SHAQO LA’AAN MISE SHAQAALE LA’AAN

Aragtida iyo fahanka kala duwan oo ay dhalinyarada ka qabaan habka Shaqo ee dalka ayaa waxaa doodii 2aad ee abaabushay Araggtida Dhalinyarada Soomaaliyeed cinwaan looga dhigay “Shaqo la’aan mise shaqaale la’aan”? Ururintii dooda ayaa u dhacday sida tan;

Kulanka ka qeyb galeen qaar kamid ah ururada ka shaqeeya arimaha dhalinyarada, dhalinyaro aqoonyahano ah, kuwo shaqo la’aan haysta iyo qaar shaqeeya, Ardayda Jaamacadaha iyo sidoo kale madax ka tirsan Dowlada Soomaaliya oo iyagu ahaa kuwa fadhiya masraxa dooda.

Waxaa Masraxa marti ku DSC_9796ahaa wasiiro wax katari kara qodobada lagufalanqeeyey doodda, sina ula wadaagay dhallinyarada xogogaalnimadooda ku aadan shaqo abbuurka wadanka.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Xasan Nuux ayaa furay shirka kunasoo dhoweeyey martida dhallinyarada si ay doodda horey ugu bilaabato.

Doodda waxaa  daadihinayay Axmed Abdi Caynab, waxaana ka qeyb qaadanayay;

1) Wasiirka Arimaha Gudaha & Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Xuseen  Odawaa.

2) Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti).

3) Gudoomiyaha Degmada Waaberi ee Gobolka Banadir, Gudoomiye Xaawo Kiin Axmed.

4) Gudoomiyaha Somali Youth Cluster, Gudoomiye Muna Maxamed Hassan.

Dooddii 1aad:

Mudane Cabdiraxman Odawaa; Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka waxaa uu sidaah furan uga hadlay sababaha shaqo laaanta dhallinyarada, isaga oo sharaxaad dheer ka bixiyay hab dhaqanka shaqo ee wadanka ka jira iyo ereyga shaqo fahanka ay dad badani ka haystaan.

Wasiir Odowaaa wuxuu si baahsan uga hadlay qodobadan;

  • Dhaqanka miyiga (xoolo dhaqatada); Wasiir Odowaa oo la wadaagaya Madasha ayaa wuxuu hadba tilmaamay heerarka qofka Soomaaliga uu ka joogo shaqada. Marka la joogo dhaqanka miyiga, xoolo dhaqatadu subaxa hore waxay daaq geeyaan xoolahooda galabkiina way soo caraabiyaan balse inta u dhaxaysa labadaa gelin ayaa waxay yihiin kuwo harsada geed wayn isla markaana ciyaara ciyaaro ay waqtiga ku dilayaan. Dabeecadan ayaa ku noqota caqabad qofka inuu noqdo qof aan u adkeysan karin shaqooyinka u baahan culeeska iyo waqtiga kadib markuu magaalada yimaado. Halka Dhaqanka beeralaydu uu yaahay mid aad u ad adag oo qofka bara inuu ahaado qof u diyaarsan ku shaqaynta xaalad kasta oo u baahan dulqaad.
  • Fahanka iyo Garowsiga Micnaha Shaqada;

Wasiir Odawaa waxaa uu sidoo kale tilmaamay in fahanka shaqada ay dhallinyaradu ka heysato uu isaguna qeyb ka yahay shaqo laaanta heysata – inteena badan hamigeenu waxuu yahay in aan shaqo sare ka shaqeyno, [taasaa keentay] in inteena waxbarateyna aan heyadaha iyo shaqooyinka sar sare u raadino oo aan uga tagno shaqooyinka dowladda iyo kuwa kale ba ayuu yiri wasiirku. Waxaa uu xusay in bulshadu ka keentay gadood markii ay dowladdu isku dayday in shaqooyin iyo fursado uga abuurto dhallinyaradu wadamo ay saaxiibo yahiin dowladda; “shaqooyinkaas/fursadahaas waxaa ka mid ahaa darawal, jaariyad/adeegto, iyo xirfado kale, Waxaa uu xusay Wasiirku, in gobolada qaar ee dalka ay shaqooyinka qaar qabtaan dad ajnabi ah sida qowmiyadda Oromada ee kasoo jeedda Itoobiya; shaqooyinkaas waxaa ugu caansan baabuur dhaqista, timo jarista iyo sidoo kale waxa uu xusay in hadda ay u raacaan reeraha qaar xoolaha!.

Qodobka kale ee uu shaqo laaanta biiriso wuxuu kusheegay in ay kamidtahay lacagaha dadka dibadda looga soo diro, taas oo keenta in qofku aanu ogolaan in uu ku shaqeeyo lacag hoose ama meel dhexaad ah! Arimahaas oo dhan waxaa ay saameyn ku leeyahiin [fahanka] shaqada aan ka heysano. Waxaan is leeyahay inta la haysto laguma qanacsano shaqooyin aad u badan oo la qaban karo oo aad arkeyso in maanta dad loo waayo [xayeysiin kadib] bari loo waayo, sababtu waxay tahay fahanka shaqada laga heysto ayaa sabab u ah, waxayna natiijada noqotay boos sare haddii aynaan qabaneyn ma rabno shaqo hoose.

Doodii 2aad

Mudane Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti); Wasiirka Maaliyadda ayaa isaguna si laab furan uga hadlay mawduuca madasha isaga oo intii uu fadhiyay madasha hoosta ka xariiqay soo jeedimo ay sameeyeen dhallinyaradii doodda ka qeyb galeysay oo isugu jiray kuwo shaqo laaan ay heyso wali iyo kuwa xuquuqdii shaqaalenimo aan helin iyaga oo shaqadii haya, iyo qaar iskood shaqo abuur u sameystay oo u baahnaa in lagu dhiirrigaliyo canshuur dhaafna loo sameeyo.

Wasiirku waxaa uu xusay;

  • Awoodda Dowlada dhanka Shaqo Abuurka;

In awood xumo heysata xafiisyada dowladda qaar, sida kuwa maamul Goboleedyada ay sababto mararka qaar in la dhumiyo fursado shaqo abuur badan dhalin lahaa, isaga oo tusaale u soo qaatay mashruuc ay wasaaraddiisu la waday baanka adduunka; Waxaa jiray mashruuc sanadkii la soo dhaafay dhexdiisa aanu World Bank la saxiixanay oo loogu talo galay in dowaldda dhexe iyo maamul Goboleedyada si loogu taageero sidii ay mushaaraad u siin lahaayeen golahooda wasiirada, baarlamaankooda iyo shaqaalahooda rayidka ah, laakiin waxaa la daba dhigay shuruudo [hufnaan/daah furnaan] haddii shuruudahaas ay kasoo baxaanna waa la siinayaa lacagahii mushaaraadka loogu talo galay.

Haddaad aragtaan maamul goboleed ka cabanaayo mushaar laaan shaqaalahooda ama golaha wasiiradooda iyagii ayaan kasoo bixin shuruudihii. Lacagaas waan heynaa, inta badan lama isticmaalo, sababtoo ah shuruudihii ayaa la rabaa in marka hore laga soo baxo!.

  • Kor u qaadista Tayada iyo Xirfadda Shaqaalaha; Wasiir Fargeeti waxaa uu talo ku bixiyay in marka hore dadka la shaqaaleeynaayo ay noqdaan dad tayo leh oo aqoon lagu soo xulay oo aysan noqon in meesha ii geey lagu qoro qofka – isagoo ula jeeday shaqaaleysiinta dowladda iyo maamul goboleedyada ay sameeyaan. In ay jiraan shuruucdii lagu dhaqi lahaa shaqaalaha, heyaddihii maamuli lahaa shaqaalaha rayidka ah, guddiyadii shaqada iyo shaqaalaha. Waxaa uu xusay in xukuumadda dhexe ay kasoo gudubtay marxaladdaas oo ay hadda u shaqeyso in ka badan shan kun (5,000) oo sahaqaale – shaqaalahaasna waxaa u badan dhallinyaro Jaamacadaha kasoo baxay. Wasiirku waxaa uu sidoo kale sheegay in uu jiro mashruuc lagu magacaabo Youth at Risk kaasoo ay maamulaan heyaddo loogu talo galay in fursado loogu abuuro dhallinyarada xag jirka ah ee qatarta ugu jiro in ay wax haligaan ama is haligaan. Suaal u baahan xal ayuu weydiiyay madasha wasiirku isaga oo ka duulaya mawduuca oo qeyb dhan ahayd in looga hadlo xalka SIDEE LOO HELI KARAA SHAQO KU FILAN DHALINYARADA SHAQO LDSC_9807A’AANTA AH”?

 Suaalo iyo jawaabo badan oo ay isdhaafsanayeen martida masraxa iyo ka qeyb galayaasha ayaa waxay doodu ku soo dhamaatay jawi dagan waxaana muhiim loo arkay kana soo baxay maskax shiilka halkaa ka dhacay qodobadan hoos ku xusan;

  1. In laga shaqeeyo sidii dib loogu hawl galin lahaa qeybaha [sectors] beeraha, xoolaha, iyo kaluumeysiga. Hadaan laga shaqeynin saddexdaas qeybood, shaqo laaantu way jiri doontaa.DSC_9814
  1. In wadanka amni buuxa laga dhaliyo lagana wada qayb qaadto.
  2. In la helo maalgalin – in la furo suuqa xorta ah loona ogolaado shirkado caalami ah in ay maalgashi ku sameystaan wadanka.
  1. In la helo dhallinyaro si iskood ah ku shaqeysa, si loo kobciyo waayo aragnimada shaqada ka hor inta aan shaqo sare la raadin.
  2. In la sameeyo nidaamka canshuur qaadista oo baahsan si daqli fursado lagu abuuri karo loo soo xareeyo.
  3. In lacagta wadanka dib u eegis lagu sameeyo/lacag cusub lasoo daabaco si maciishaddu u raqiisto – arintaan ayaa waxaa ay dhiirigalineysaa in shaqaaluhu aqbalaan mushaar hoose waayo waxaa qiimo yeelanaya lacagta wadanka.
  4. Qodobadii hoosta laga xariiqay waxaa ka mid ahaa in Wasiir Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti uu kala hadlo hogaanka socdaalka canshuur dhaaf loo sameeynayo dadka baahiyaha gaarka ah qaba, agabkooda iyo adeegoodaba markii ay ku safrayaan garoomada wadanka.
  5. In la dabo galo arintii uu Madaxweynaha ku dhawaaqay ee ahayd in dadka baahiyaha gaarka ah leh laga shaqaaleeyo, Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshaduna ay hogaankeeda yeelato.
  6. In dhallinyaradu iska dhisaan xirfadaha shaqada ay u baahantahay marka laga soo tago aqoonta sare ee heerarka Jaamacadda ah.
  7. Ugu danbeyn kulanku waxa uu kusoo dhamaadey habsan oo qurux badan, iyada oo ay

Wasiiraduna ku amaaneen madasha SYV howsha ay hayaan, isla markaana dhiirrigaliyay in kuwa  la mid ah la joogteeyo si maskaxshiil xal keena loo helo.

 

Mahadnaq

Waxaan si wadajir ah oo aan kala sooc lahayn ugu mahadcelinaynaa dhamaan intii waqtigooda qaaliga ah u soo hurtay in ay kaqayb qaadtaan madashaaan, hadii aadan imaan lahayn ama aadan nalasocon lahayn marnaba quruxdaan nooguma dhamaateen.

Aragtida Dhalinyarad Soomaaliyeed