Is bogaadintu waa shey qaali ah, waana shidaalka ay bulsho ku hormarto, waa miisaanka aragtida dheer ee lagu cabiro is ogalaanshaha iyo wax isku quurista dadnimo ee nagubeeran, waana arin aad u wayn oo waayahaan ka maqan dadkeena iyo dalkeenaba, sidaas darteed Ayaan u go’aansanay in aan noqo taageerayaasha hal abuurada kala duwan oo ay dhalinyarada la timaado, iyo kuwa iskooda isku xilqaama ee wanaaga iyo horumarkeena kusaabsan, si aan u abuurno Soomaaliyada aan rabno in aan ku noolaano Ayaan marka hore u eegnay wax yaabaha yar yar ee marka la iskukeeno noqon kara Markab hirarka badda dhex jeexa oo si fudud ku gaara goobta uu usocdey, taasi ayaa dhalisay in aan qaban qaabino MAAMUUSKA HALDOORKA GABDHAHA SOOMAALIYEED 2016, ujeedkuna uu ahaa in lagu bogaadiyo 6 gabdhood oo walaalaheen ah oo iskood bulshda midba dhan wax ugu horseedey.

Madasha oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Maxamed Cabdulahi Nuux, Wasiirka Haweenka iyo Arimaha Xuquuqul Insaanka Zahra Cali Samatar, Agaasimaha Wasaarada Haweenka iyo Arimaha Xuquuqul Insaanka Abdighani, Gudoomiye ku Xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Canab Xasan Cilmi iyo Dhinacyada kala duwan ee Dhalinyarada magaalada Muqdisho oo si baaxad wayn dhankooda ugu muujiyey bogaadin iyo taageero dhamaystiran.

Soo dhaweyn

Maamuuska oo uu daadihinayay Ahmed Caynab ayaa lagu bilaabay kalmad soo dhaweyn ah, waxaana asaga oo ku hadlaya magaca Aragtida Dhalinyarada Soomaaliyeed SYV Mudane Shucayb Cabdulahi Xasan si guud uga warbixiyay Ururka Aragtida Dhalinyarada Soomaaliyeed, waxqabadka ururka iyo waxaa uu hiigsanayo wuxuuna xusay in ujeedka maamuuska loo sameeyay ay tahay in loo mahadceliyo gabdhaha mudan mahadcelinta ee bulshada u adeegay isagoo balan qaaday in maamuuska uu noqon doono abaalmarin sanadle ah oo lagu abaalmariyo dhalinyarada u adeegta bulshada.

Maamuuska

Kadib waxaa masraxa lawareegtey Sucdi Daahir oo ah xubin ka tirsan SYV misana ah maskaxda iyo fikirka hal-abuurka maamuuska, waxeyna kasoo qeyb galayaasha hortooda ka aqrisay waxqabadka gabadhaha nasiibka u yeeshay in la maamuuso, iyaga oo qisooyinkooda nololeed midba mida kale ay kamacaanayd, martida kasoo qaybgasheyna sacabada ay had iyo jeer isla helayeen si dhiiragelinta ay u garaacdo quluubta dhamaan intii soo xaadirtey oo ay ugu horeeyeen gabdhaha la maamuusey.

 Ifraax-Sucdi Xasan (Zamzam ayaa u gudoontay)

Waa gabar Soomaaliyeed oo ku nool dalka Kanada. Waxaa ay qeyb ka tahay waliba si iskaa wax u qabso ah “Mutadacnimo” qeyb kaga tahay barnaamijyada Horumarinta dhalinyaradda Soomaaliyeed iyo Barnaamijyada kale lagu xoojiyo kor u qaadida Afkeena hooyo.  Si la mid kuwa aan kor ku xusay waxaa ay kaalin weyn ka qaadataa ololayaasha dhalinyarada Soomaaliyeed lagaga wacyi geliyo Halista Tahriibta.

Waxaa ay taageero joogto ah u fidisaa dadka tabaaleysan, waxaa ayna ka qeyb qaadataa ololeyaasha gurmadka loogu sameynayo dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan ee ku sugan dalka gudihiisa marka ay xaaladaha adag la soo dersaan. Waa gabar Soomaaliyeed oo dareen damqasho u leh bulshadeeda waxaa ay ku biirtay Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Kanada sannadka markii uu ahaa 2009.

Waxay sidoo kale ka mid ahayd Aasaasayaashii Golaha Soomaalida (Ka-kaca) ee la dhisay sannadkii 2011, waxayna la shaqeysaa labo urur oo kale oo iyagana ka dhisan Kanada gaar ahaan magaaladda Soomaalidu ku badan tahay ee Ottawa. Ururadaas waxaa la kala yiraahdaa Somali Women Circle Network iyo Canadian Mothers Association.

Bishii Juunyo ee sannadkii tagay waxaa ay ka qeyb qaadatay barnaamij lagu daah-furayay sida dumarka Soomaaliyeed ay dawr wanaagsan uga cayaari karaan arrimaha bulshadda iyo hogaaminta, dhaqaalaha iyo siyaasadda. Waa gabar gelin maalinta ka mid ah shaqeysata gelinka kalena bulshadeeda u adeegta oo waqtigeeda u hurta, taas oo ay u aragto waajib ka saaran daryeelka dadkeeda iyo dalkeedaba. Waxaa intaa u dheer oo ay hiigsaneysaa dib u dhiska dalkeeda hooyo ee Soomaaliya.

Naciima Axmed Ibrahim (Maxamed Dhugad ayaa u gudoomay)

Hal-abuuradaan dhalinyaradda ah ee ku nool Magaaladda Hargeysa isla markaana ku barbaartay waxna ku baratay, waa qoraa, gabyaa, iyo hal-abuurad.

Waxaa na midayeeyay fikirka iyo hal-abuukra waxayna ka tirsantahay bahda Qoraalka, mana ogeyn in ay jirto gabar iyada oo kale ah, oo leh hibo wax curineyd oo intaa gaarsiisan. Waxaa ay qortay dhawr buug oo diyaar u ah soo bandhigid, waxaa ay curisay gabayo iyo maansooyin tiro badan. Maaansooyinkeedu waxaa ay inta badan xoogga saarayaan 4 qaybood.

  1. Midnimada qowmiyadda Soomaaliyeed iyo gumaysi diidka
  2. Korinta, kobcinta iyo kaalin galinta dhaqanka iyo hiddaha
  3. Waddaniyadda iyo qiimaheeda.
  4. Suugaan is baddal doon ah oo ku wajahan dhallintu, taas hoga tusaaleyneysa in ay dhulkooda dib u dhisaan. Kamana marna baraarujin iyo samo talis.

Waxaa kale ee ay xoogga saartaa hab dhaqanka wanaagsan ee qoyska Soomaalida. Waxayna ka qortaa qormooyin dhinacyo badan ka taabanaya nolosha qoyska iyo sida ay qoys wanaagsan ku noqon lahaayeen, gaar ahaan Aabbe iyo Hooyo wanaagsan.

Waa waddaniyad jecel dadkeeda iyo dalkeeda. Waxaa ay had iyo jeer ku celcelisaa WAXAAN JECLAHAY QARANIMO.

Marka laga yimaado buugaagta ay qortay, waxaa jira qormooyin gaagaaban oo waliba aad qiiro u leh oo ay bulshada ku wacyigeliso. Kuwa ugu xiisaha badan waxaa ka mid ah:

  • HAAD GEED WAAYAY

  • GUURDOON MISE GOBLAN KA BAX

  • DILAA/MAANDOORIYE

  • DAACADI MA HUNGOWDO iyo kuwo kale oo badan.

Waxaa ay aad ugu ololeysaa Afka Hooyo, iyada oo isu xilqaanta in ay dhalinyarada ku baraarujiso in ay afkooda bartaan una adeegsadaan si wanaagsan si uu u kobco. Baraarujinteeda waxaa ay u martaa maansooyin iyo qoraalo intaba.

Xilli aan dheereyn, waxay igala hadashay in ay dooneyso in ay olole loogu hiilinayo Afka hooyo ka hirgeliso guud ahaan Soomaaliya, degmo illaa tuul. Hawshaas ay ku himilooneyso waa mid iyada uun waajib ka saarneyn balse iyadu ay isu xilqaantay si ay u horumariso waajibkeedii ka saarnaa afka Hooyo. Ololayaasheeda ku aadan horumarinta Afkeena hooyo waxaa ay sumcad ballaaran kaga kasbatay bulshada Soomaaliyeed meel walba ee ay joogto, waxaana ay ka heshaa dhiirogelin badan iyo bogaadin.

Guntii iyo gebagebadii, ereyadan hoos ku qoran waxaa ay ka mid yihiin suugaanta ay curisay waxayna ka mid yihiin kuwa aan ugu jeclahay:

Aduun wuu hayaamee,
Dalka horu wadaan idhi,
Aynu horumar gaadhnee,
Hanti dhawra baan idhi,
Dadku hayal samaantay,
Maandhe ku hiyi guuraan,
Waa duul halaaboo, 
Hamigii ka guuraye,
Horu madhiya mooyee,
Wax hambaysta laga waa.

Faadumo Cabdi Cali

Gabadha kale ee Daljiradda ah waa gabar dhalinyaro ah isla markaana wax ka barata Jaamacadda City ee magaaladda Muqdisho. Waa qof aad u firfircoon, waxaa ay qabatay xilka Gudoomiye-nimada ardayda Jaamacadda City University, kaas oo ay uga soo dhalaashay si wanaagsan oo bogaadin mudan, maanta waa Safiirk Dhalinyaro oo katirsan Qaarada Afrika.

Muddo labo sanno ah oo ay xilkaas heysay, waxay muujisay is xilqaan iyo waxqabad heer sare ah oo ay aad uga helayeen ardayda ay xilkaas u heysay iyo maamulkeeda Jaamacadda. Iyada oo muujineysa hoggaamin wanaagsan waxaa ay si sharaf leh ku wareejisay xilkaas markii ay u dhammaatay muddadii loo igmaday ee labada sanno aheyd.

Inta ay xilkaasi heysay waxaa ay noqotay Gudoomiye ku xigeenka Midowga Ardayda Jaamacadaha Soomaaliyeed, halkaas oo ay ku muujisay in ay leedahay karti sare, hoggaamin wanaagsan iyo u debecsanaan dadka ay wakiilka ka ahayd ee ay xilka u heysay.

Waa gabar si wanaagsan uga dhex muuqata bulshadda ay ku dhex nooshahay guud ahaan, gaar ahaanna bulshada rayidka. Gelin waa ardeyad, gelina waxaa ay bulshadeeda kula shaqeysaa si iskaa wax u qabso ah “Mutadawacnimo”. Waxaa ay ku guuleysatay Billado heer caalami ah oo ay ku heshay magaca dhalinyaradda Soomaaliyeed iyo firfircoonideeda.

Dhanka kale waa qoraa, waxaa ay wax ka qortaa arrimaha bulshada. Qormooyinkeeda waxaa ay soo jiiteen dad dhalinyaro u badan, waana sababta loogu aqoonsaday in ay tahay hal-door bulshada u soo baxday. Waxaa ay ka mid ahayd dhalinyaradii sameeyay hal ku dhigga XUJO-QORMO oo ay ku tartamaayeen qormooyin ay marka hore ugu hiilinayeen Afka Hooyo, sidoo kale waxaa ay uga faalloonayeen dalkeena hodanka ah iyo barwaaqada dhextaal, taas oo mararka qaar noqoneysay wacyigelin dhallinteena loo sameynayay.

Waxaa ay leedahay aragti fog iyo rajo wanaagsan, waxaa ay marwalba wax ka qortaa nooca Soomaaliyada ay dooneyso in ay ku noolaato, taas oo ah mid dadka ku tixan qormooyinkeeda ku abuurto yididiilo wanaagsan.

“Waxaan arkaa in uu dhaw yahay isbadalka iyo horumarka Soomaaliya waayo waxaan ku qanacsanahay inaan gacantayda ku naqshadeeyo halka aan rabo inaan joogo sanadaha soo socda, Soomaaliya waa wadanka keliya ee qofka aan waxbaran xitaa uu lacag samayn karo!!! Ka fikir??? Soomaaliyada aad rabto iyo fursadaha aad doonayso waxaa ay u baahanyihiin in la abuuro.”

Haddaba, qofkii dareen wadaniyadeed leh waxaa ay gabadhani ku abuureysaa wadan jacayl iyo in uu qofka ku fikiro in uu isbedel sameeyo.

Zahra Cumar Qorane

Waa hal-doorad iyo dal-jirad kale oo ka tirsan dhalinyaradda Soomaaliyeed ee ku nool magaaladda Muqdisho. Waxay caan ku tahay sawiro qurux badan oo ay ka sameyso dalkeeda. Waxaa indheheedu qabtaan waa quruxda iyo qiimaha dalkeeda.

Waxay tiri Waxaan go’aansaday inaan soo bandhigo sheekooyinka iyo muuqaalada aan warbaahinta kale aysan ka soo bandhigin dalkeyga ee quruxda iyo rajada uu leeyahayba. 

“Waxaan leeyahay riyooyin farabadan, mideyda ugu weynina waa in aan arko caruurta Soomaaliyeed oo tagta dugsiyadda waxbarashadda oo aan dalkeyga jahli lagu arag” Waxay dowr muhiim ah ka qaadataa u gargaarida dadka tabaaleysan, ee markaas baahida gaarka ah leh.

Waxay had iyo jeer dhiirogelisaa, wax-soo-saarka dalka iyadda oo ku muujisa sawiradda ay qaado.  Halkani waa muqidisho anigaana leh, waa hal-ku-dhigyadda sawiradda qaar ee ay soo masawirto. Sawirada ay ka sameyso dalka, waxay dowr muhiim ah ka qaadaneysaa in:

  1. Yareynta tahriibta Dhalinyaradda

  2. Qurbe joogtu soo noqoto oo maalgashta dalkooda hodanka ah

  3. Nabada iyo rajada dalkana kaalin mug leh ka qaadato

Zeynab Maxamud Warsame (Xaabseey)

Daljirka Daahsoon la iskama bixin laakiin qiime iyo micno ayuu ku fadhiyaa, waa  gabar dhalinyaro ah oo aad u dadaal badan. Waxaa ay ka mid tahay dhalinyaradda ku nool Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, isla markaasna wax ku bartay, kuna barbaaray. Waxaa ay ka baxday Jaamacadda Soomaaliya ee UNISO, halkaas oo ay aad uga dhex muuqatay ardayda asaageeda ah ee ay wax isla baranayeen.

Waa xubin ka mid ah Midowga Ardayda Jaamacadaha Soomaaliyeed. Markii ay jaamacadda dhameysay waxaa ay laba laabtay dadaalkeedii, waxaa ayna gacan u fidisaa dadka tabaaleysan, gaar ahaanna waxaa ay si joogto ah ugu dhaqdhaqaaqdaa xaquuqda dadka baahiyaha gaarka ah leh.

Kaliya intaas kuma sinna dadaalkeeda. Waxaa ay aad uga danqatay xaaladda noleleed ee maxaabiista Soomaaliyeed gaar ahaan gabdhaha ee ku jirta xabsiyo uu ka mid yahay xabsiga dhexe, kuwaas oo qaba baahiyo kala duwan qaarkoodna ayba yihiiin hooyooyin uureey ah,  kuwaas oo ay si iskeed ah ugu istaagtay in ay daryeel u fidiso.

Iyada oo aan raadin deeq-bixiye shisheeye ah ayay jeebkeeda iyo waxa ay heysato la wadaagtaa dad maxaabiista ee daruufeysan, kuwaas oo ay ugu deeqdo dhar iyo agabyo kale oo daruuri u ah noloshooda.

Waxaa ay qeyb waqtigeeda ka mid ah la qaadataa maxaabiista, iyadoo u sameysa waxbaris, maaweelin iyo wehlin si ay u dareensiiso dareenkeeda walaalnimo iyo sida ay uga xun tahay in ay xabsi ku jiraan sabab kastaba haku galaane. Waxaa ay si gaar ah diiradda u saartaa dhalinyarada nasiibdarro darteed xabsi ku muteysta waxaa ayna kala hadashaa mustaqbalkooda iyada oo ku waaniso in ay noloshooda wax ka bedelaan haddii ay fursad u helaan in ay xabsiga ka baxaan. Waxaa ay door aad u muhiim ah ka ciyaartaa dhiirigelinta dhalinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ku dadaasho in ay ku abuurto wadan jaceyl.

Hammiga Gabadhaan dhalinyaradda ah ay ka leedahay Dalkeeda hooyo waa mid aad u sareya, hanka ay u heyso in ay wax ka bedesho hab nololeedka bulshadeedana waa mid sare, waxaana mar walba u muuqda ileyska isbedel weyn oo ka dhaca dalka. Sidaas darteed mar walba waxaa ay ku taagan tahay habkii ay iftiin leh ugu jeexi laheyd dhalinyaradda kale ee Soomaaliyeed.

Zahra Cabdiqaadir Carte

Waxay ku nooshahay magaaladda kismaayo, halkaas oo ay ku barbaartay waxna ku baratay. Waxay ka mid tahay dhalinyaradda Soomaaliyeed ee aadka u firfircoon jecelna in ay ka dhex muuqato horumarka dalkeeda.

Waxay la timid hal-abuur dhaxalgal ah taa oo ay ugu magacdartay UBAXA RAJADDA. Ubaxa rajadda waa ilmo yaryar oo uusan nasiibka iyo dantuba u saamixin in ay iskuuladda tagaan oo ay wax bartaan si ay asaagood u raacaan. Waxay ku dhex noolyihiin caruurtaas magaaladda kismaayo, waa caruur u xamaasha waalidkood una badnaa caseeyayaal iyo kuwo guryo kale ka shaqeeya, si ay nolol maalmeedka waalidkood iyo walaalahoodba usoo dhacshaan, waxayna isugu jiraan gabdho iyo wiilalba.

Waxa ay ka danqatay mustaqbalka caruurtaas waxayna go’aansatay gelinka ay shaqeyso maahee galinka kale ee maalinteeda in ay caruurtaas wax barto. Meel yar oo aan gabaad iyo gogol toona lahayn ayay ugu yeeri jirtay, buugaag iyo qalimaana horay usoo iibsan jirtay. Caruurta laftooda iyagoo wata gasacyadii iyo qalabkii caseynta ayay soo xaadiri jireen xiisada. Arrintaas iyadda ah waa ay ka miro dhalisay kuna guuleysatay, waana ay wada faraxsan yihiin iyada iyo caruurteeda ay ugu magacdartay Ubixii Rajadda. Hal-abuurkaan oo ay la timid walaasheen waxay hoos u dhigeynsaa:

  1. Jahliga

  2. Gaajada iyo faqriga

  3. Amni Darada dalka iyo iyaga naftoodaba.

Waxayna arrintaan jawaab u tahay in dhalinyaradda dalka ay dowr muhiim ah ka qaataan, horumarinta dalka, dhankastaba. Iyadda iyo Ubaxaas mustaqbal wanaagsan ayaynu u rajeyneynaa

Maamuuska

Waxaa mid mid u gudoonsiiyay gabdhaha Abaalmarinta oo si qurux badan loo soo xardhay Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Maxamed Cabdulahi Nuux, Wasiirka Haweenka iyo Arimaha Xuquuqul Insaanka Zahra Cali Samatar, Gudoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Canab Xasan Cilmi.

Hadalkii Mas’uuliyiinta

Gudoomiye ku xigeenka Ururka haweenka Qaranka Canab Xasan Cilmi ayaa tiri “Maanta waxaa ii muuqda ififaalo nabad iyo horumar mar hadii la bilaabay in la isku mahadceliyo oo la bogaadiyo gabdhaha yar yare e dadaalka ka wada dalka, Horumarku kama yimaado dowlada kaliya bulshadu waa inay is hormarisaa”.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Maxamed Cabdulahi Nuux  ayaa isna yiri “Haldoor micnaheedu waa hasha ugu caanaha badan geela taaso ka dhigan sifo wax qabadan hadaba gabdhahani bulshada ayaa u garatay in ay wax qabad leeyihiin maantana waxaa la yiri Mahadsanidiin, taasi waxey keeni kartaa in tusaale fiican u noqdaan gabdhaha kale oo lagu deysto wanaagooda iyadoo horumar u keeni karta dalka”.

Wasiirka Haweenka iyo arimaha xuquuqul insaanka Zahra Cali Samatar  waxey tiri “Wanaaga dalka waxa uu ku dambeeya dhalinyarada waxaana tusaale noogu filan maamuuskan aa manta u fadhino Waxaan uga mahadcelinaya gabdhahan dadaalka ay hayaan waxaana leeyahay halkaas kasii wada iyadoo sidoo kale aan u mahadcelinayo ururkii soo abaabulay howshan ee SYV”.

Gabagabo

Waxaan si guud ugu mahadcelinaynaa dhamaan dhalinyaradii waqtigooda u soo huray si ay u dhiirageliyaan walaalahooda, masuuliyiintii kasoo qayb gashey oo sida qiirada leh dareen kooda noola wadaagey, iyo Sucdi Dahir Diriye Qajafwayn oo lahayd fikirka iyo qormooyinka xiisaha badan ee laga diyaariyey gabdha 6 da ah.

Mahadcelin gaar ah waxaa iska leh maamulka iyo shaqaalaha Hotel SYL, maamulka iyo shaqaalaha Foresight Flims iyo maamulka iyo shaqaalaha SOMTA Events oo si wadajir ah u hirgeliyey naguna taageerey Maamuuska Sanadkaan 2016.

Aragtida Dhalinyarada Soomaaliyeed

Wixii talo iyo tusaale ah nagula wadaag

E-mail: info@syv.org.so